Ramadan 9, 1446 – March 9, 2025
Cabdullahi Bin Xudaafa Alsahmiyi, Allaha ka raali noqdee, waxaa u suuro gashay inuu la kulmo labadii boqor ee xiligiisii ugu awooda badneyd dunida; Kisraa oo ahaa boqorkii Furus (Iiraan halka maanta loo yaqaano) iyo Qeysar oo ahaa boqorkii Roomaanka, waxaana dhex maray isaga iyo labadaan boqor labo qiso oo layaab leh.
Aan ku hormaro qisadii ku dhacday markii uu la kulmay Kisraa oo ahaa boqorkii Furus. Qisadani wexeey dhacday sanadkii lixaad ee Hijriyadda kadib markii Nabiga SCW uu goaansaday inuu fariimo udiro boqoraddii xiligaas joogay isagoo ugu yeerayay Islaamka in eey soo galaaan. Wexeey ahayd arin ama safar halis badan waayo saxaabadda fariimaha qaadeeysay meeysan aqoon wadama eey aasanayaan iyo luqadda dadka ku nool wadamadaas.
Halista kale oo eey leheed arintaan ama safarkaan wexeey ahayd in dadka loo geeynayo fariimaha ee loogu yeerayo ineey kabaxaan diintooda eeysan ahayn dad caadi ah, oo eey ahaayeen boqoro, kuwaasoo qaarkood eey kibir badanaayeen, sida aan dib ka arki doono.
Nabiga SCW ayaa iskugu yeeray lix (6) kamid ah saxaabadiisa RC, si uu ugu dhiibo fariimaha. Markaas ayuu isagoo la dardaarmayo ku yiri: Waxaan idiin dirayaa qaar kamid ah boqoradda cajamta, ee ha isku keey qilaafina sidii eey ilmihii Israaiil iskugu qilaafeen Nabiga Muse CS (Caleyhil Salaam). Markaas ayeey ugu jawaabeen, halkaa doonto inoo dir Nabi Allow, waajibkaaga sidii aad inoo amarto ayaan u gudan doonaaye.
Cabdullahi Bin Xudaafa RC oo kamid ahaa lixda Saxaabi ayaa loo dhiibay fariin kusocotay Kisraa, kadibna wuxuu diyaarsaday jiscinkiisii ama wixii uu jidka kumari lahaa, kadibna wuxuu macsalaameeyay reerkiisii, wadada ayuuna galay isagoo eeysan lasocon cid aan Alle SWT ahayn.
Markii uu utagay halkii uu usocday ayuu fasax weeydiistay si uu ula kulmo boqorkii, kadib, Kisraa ayaa wuxuu amray in loo diyaariyo qasrigiisii si uu usoo dhoweeyo, si uu usoo jiito Abdullahi. Wuxuu iskugu yeeray gacanyare-yaalkiisii oo dhan, kadibna Cabdullahi RC ayuu amray inuu usoo galo.
Cabdullah Bin Xudaafa RC oo wata go’iisii uu baadiyaha kula noolaa, oo laga dareemayo ama dheehan karo tilmaamihiisii reer baadiye-nimo, laakiin eey isla weeynida Islaamka iyo iimaanka Alle eey ka muuqato ayaa u galay boqorkii.
Markuu arkay Kisraa inuu soo gelayo ayuu qaar kamid ah ciidankiisa amray in warqadda lagasoo qaado Cabdullahi RC, laakiin Cabdullahi RC ayaa diiday isagoo yiri; Rasuulka Alle SCW wuxuu i faray inaan fariinta aan aniga gacanteyda kuugu dhiibo. Markaas ayuu Kisra ku yiri ciidankiisa; ka leexda ha iga soo ag dhawaado e’ – isagoo mooda in Cabdullahi RC ula jeedkiisu yahay inuu boqorka ka ag dhawaado.
Kadib ayuu Kisraa u yeeray qaar kamid ah shaqaalihiisa Af-carabiga yaqaanay, si eey ugu turjumaan fariinta, kadibna wuxuu amray in fariinta cod sare lugu aqriyo. Fariintu wexeey u qorneed sidaan: Bismillahi al-raxmani al-raxiim, fariintaani wexeey kasocotaa Muxammed (SCW) oo ah Rasuul Eebbe soo diray, wexeeyna kusocotaa Kisraa oo ah boqorka Furus. Nabad gelyo dushooda ha ahaato cidwalibo oo hanuunka Alle qaadata..
Markuu intaas maqlay ayuu aad u carooday Kisraa, waayo Nabiga SCW wuxuu magaciisa kahor mariyay kan Kisraa. Kadibna Kisraa wuxuu soo qabtay fariintii wuuna jeexjeexay, isagoo aanan dhameesan waxa ku qornaa. Markaas ayuuna ku qeeyliyay, ma waxaan ayuu iisii qorayaa (Nabiga SCW) isagoo adoonkeygii ah. Kadibna wuxuuu amray in Cabdullahi RC banaanka loo saaro.
Cabdullahi Bin Xudaafa RC wuu iska soo baxay isagoo aanan garaneyn in la dili doono iyo in lasii deyn doono, laakiin, muusan kala jecleen waxaas oo dhan, oo wuxuu lahaa: Alle ayaan ku dhaartaye inaanan kala jecleyn sida la i yeelayo, maadaama aan gutay waajibkii Nabiga SCW ii igmaday.
Markii uu xanaaqa ka degay Kisraa ayuu amray in la raadiyo Cabdullahi RC, laakiin meeysan helin, oo raadkiisa oo waa hore baxay unbeey arkeen. Markuu Cabdullahi RC u tegay Nabiga SCW oo uu arintii u sheegay, ayuu Nabiga SCW yiri: Allaha u jeexjeexo boqortooyadiisa, sidii uu u jeexjeexay fariinta.
Laakiin, Kisraa intaas kumuu ekaan, oo nin isaga hoos imaanayay oo Yemen ka talinayay oo la oran jiray Baadaan, ayuu u qoray warqad wuxuuna ku yiri: U qor (Nabi) Muxammed (SCW), fariintana u dhiib ciidankaaga qaar kamid ah, waxaadna u sheegtaa inuu si dhaqsi ah iigu yimaado.
Baadaan wuxuu diray labo nin, isagoo u dhiibay fariin amreeysa Nabiga SCW inuu si dhaqsi leh usoo raaco labadaan nin. Laakiin labada nin intii eey jidka kusii jireen ayeey la kulmeen rag kamid Qureeshtii Makko, labadii nin ayaa weeydiiyay ragii qureesh, in eey yaqaanaan (Nabi) Muxammed (SCW) halka uu joogo, kadibna wexeey u sheegeen inuu joogo magaalada Yathrib oo hadda loo yaqaano Madiinatul Al-munawarah, kadibna ragii Qureesh wexeey tageen Makko ayagoo faraxsan oo dhahaya: Maanta wixii ka danbeeya haka walwalina (Nabi) Muxammed (SCW), waayo waxaa shartiisa oo dhan idinka kaafin doona Kisraa.
Markii labadii nin eey tageen magaalada Madiina, ayeey Nabiga SCW gaarsiiyeen fariinti wexeeyna amreen inuu sida ugu dhaqsida badan kusoo raaco, ayagoo leh: Boqoradda boqorkooda Kisraa ninka la yiraahdo wuxuu fariin usoo diray Baadaan, si uu Baadaan u diro rag adiga ku keena. Hadii aad na raacdo, waan kaagala hadleenaa Kisraa, hadii aad diidase, hadde, waa ninkaad awooddiisa taqaano oo adiga iyo reerkaagaba wuu idin halaajinaayaa.
Nabiga SCW, ayaa dhoola cadeeyay wuxuuna ku dhahay, beri aan isku imaano.
Maalintii xigtay ayeey Nabiga SCW u yimaadeen, wuxuuna ku yiri: Maanta kadib Kisraa lama kulmeeysaan, oo wiilkiisa Shiiraweyhin ayaa dilay. Wuxuu Nabiga SCW intaas u raaciyay habeenka iyo bisha la dilay Kisraa. Labadii nin ayaa isha ku gubay Nabiga SCW, ayagoo ku yiri: Maxaad ku hadleeysaa?! Hadda Baadaan – wakiilkii Kisraa ee Yemen u fadhiyay ee labadda nin soo diray – ma u sheegeeynaa arintaan oo ma hubtaa??
Markaasuu Nabiga SCW ku yiri; haa, waxaadna kaloo u sheegtaan, in diinkeygu gaari doono kabadan inta eey boqortooyadii Kisraa gaartay, hadii aad Islaamka qaadatana, inta aad ka taliso oo dhan adiga ayaan kusiin doonaa, qoomkaagana adiga ayaan boqor kaaga dhigi doonaa.
Markii Baadaan uu aqriyay fariintii ayuu yiri: Hadii waxa uu sheegay (Nabi) Muxammed (SCW) eey runtiisa tahay, waa Nabi dhab ah, hadii eey beentiisa tahayna, goaan ayaan ka gaari doonaa. Laakiin waxyar uun kadib, waxaa Baadaan soo gaaray fariin uu soo diray Shiiraweyhin oo ah wiilkii uu dhalay sidoo kalana dilay Kisraa, isagoo dhahaya: Waan dilay Kisraa waayo wuxuu ku xad gudbay dadkeenii, ee hadii eey fariintaan kusoo gaarto, adiga iyo inta kula nool-ba amarkeyga u hogaansama.
Baadaan, markuu aqriyay fariintii Shiiraweyhin, dhinac ayaa iskaga tuuray warqadda, sidaas ayeeyna isaga iyo intii Furus kasoo jeeday ee Yemen kula nooleyd ku Islaamka ku qaateen.
Tani waa qisadii Cabdullahi Bin xudaafa RC ee markii uu la kulmay Kisraa, Cabdullahi RC sidoo kale wuxuu leeyahay, qiso layaab leh taasoo ku dhacday markii uu la kulmay Qeysar oo ahaa boqorkii Roomaan-ka, taasoo tan kasii cajiibsan.
Cabdullahi RC, wuxuu la kulmay Qeysar xiligii uu Sayid Cumar RC ahaa amiirkii Muuminiinta. Sanadkii 19 ee Hijriyadda ayuu Sayid Cumar RC udiray ciidan si eey ula dagaalaan boqortooyadii Roomaanka, waxaana Qeysar oo ahaa boqorkii Roomaanka maqal ahaan kusoo gaaray Muslimiinta geesinimadooda, iimaan adeegooda iyo sida eey naftu agtooda raqiis uga tahay markii eey Alle dartii u dagaalamayaan. Qeysar wuxuu amray ciidankiisa hadii eey qabtaan mid kamid ah ciidamadda Muslimiinta in eeysan dilin oo eey nolol ugu keenaan. Alle wuxuu qadaray in eey qabtaan dad uu kamid ahaa Cabdullahi bin Xudaafa.
Markii Cabdullahi RC oo afduuban loo geeyay boqorkii, ayuu intuu eegay Cabdullahi RC ayuu ku yiri; Arin ayaan kuusoo bandhigaayaa. Cabdullahi RC ayaa yiri: Muxuu yahay arinku? Wuxuu yiri: Kirishtaan ayaad noqoneesaa, aniguna kuma dilaayo oo waan kusii deeynaayaa, hantina waan kusiinaayaa. Cabdullahi RC ayaa si isla weeynin kujiro ugu jawaabay: Geerida ayaan ka jeclahay waxa aad iigu yeereeyso. Markaas ayuu boqorkii ku yiri: Waan arkaa inaad tahay nin geesi ah, laakiin hadii aad iga aqbasho waxa aan kuusoo bandhigay – oo ah inaad Islaamka ka baxdo – boqortooyadeyda ayaan qeeb kaasiinaayaa, lataliye-yaalkeygana waad kamid noqoneesaa. Cabdullahi RC oo dhoola cadeeynayo ayaa ugu jawaabay: Alle ayaan ku dhaartee, xitaa hadii aad isiiso inta aad heeysato oo dhan iyo inta eey Carab oo dhan heeysto, ilbiriqsi kama baxaayo diinta Nabi Muxammed (SCW).
Boqorkii ayaa markaas ku yiri: Ee waan ku dilaayaa, hadaba. Cabdullahi RC ayaa ugu jawaabay: adiga ayeey kujirtaa wixii aad sameeneeso. Boqorkii ayaa ku yiri ciidamadiisa: waranka waxaad ku dhufataan meel u dhow lugtiisa – si uu u cabsiiyo.
Ayadoo waranka lugu dhufanayo Abdullahi lugtiisa agteeda, boqorkuna uu ku leeyahay: kabax diintaada, Cabdullahi-na uu diidaayo, ayuu boqorkii amray in weel ama digsi weyn loo keeno, kadibna saliid lugu shubo ilaa eey aad uga kululaato, kadibna lugu tuuro qaar kamid ah dadkii Muslimiinta ahaa ee lasoo afduubtay.
Markii qofkii ugu horeeyay lugu tuuray saliidii kululeeyd, ayaa hilibkiisii kala go’ay, qofkiina wuxuu noqday kaliya lafo, Cabdullahi-na wuu arkay. Boqorkii intuu dhanka Cabdullahi RC aastay, ayuu ku yiri: kabax diinta, laakiin Cabdullahi RC ayaa yiri maya, isagoo u diiday si kadaran sidii hore. Boqorka markii uu ka quustay, ayuu yiri: kutuura Cabdullahi degsiga eey saliida kululi ku jirtay. Markii digsiga dhankiisa loosii waday ayuu ilmeeyay Cabdullahi RC, markaaseey ciidankii boqorka ku yiraahdeen: wuu ooyay.
Boqorkii oo maleenayay inuu Cabdullahi RC cabsaday ayaa yiri: iikeena. Markii loo keenay ayuu ku yiri: diintaada maka bexeeysaa? Cabdullahi wuu ka diiday. Boqorkii ayaa weediiyay: oo maxaad u ilmeeysay marka? Cabdullahi ayaa ugu jawaabay: Waxaan soo xusuustay in digsigaan halmar kaliya la igu tuuraayo oo aan halmar kaliya geeriyoonaayo, waxaan jeclaa in la i siiyo inta tin oo jirkeyga ku taala oo nafyaal ah, kadibna digsigaan la igu tuuro markasta, si aan Alle dartii ugu geeriyoodo.
Markuu boqorku arkay inuusan Cabdullahi aqbaleenin gaalnimada, ayuu yiri: waayahaye, madaxeeyga ma shumineesaa waan iskaa daaynayaaye? Cabdullahi RC ayaa yiri: Muslimiinta aad heeysato oo dhanna masii deeyneeysaa? Boqorkii ayaa ku yiri: Haa, waan sii daaynaayaa ayaga dhan, hadaad madaxeeyga shumiso.
Cabdullahi RC oo ka sheekeenayay ayaa yiri: Waxaan isdhahay gaal ayaad shumineesaa, laakiin adiga iyo muslimiinta oo dhan ayuu idin siidaaynaayaa! Dhibaato malaha. Kadibna boqorkii ayuu madaxiisa shumiyay, isaga iyo dhamaan Muslimiintii lasoo afduubtay-na waa lasii daayay.
Markuu Cabdullahi yimid magaaladda Madiino, isaga iyo dadkii lasoo daayay ayaa wexeey la kulmeen Sayid Cumar RC, sheekadii ayuu uga sheekeeyay, kadibna Cumar intuu aad ugu farxay ayuu eegay dadkii lala soo daayay Cabdullahi, wuxuuna ku yiri; Qof waliba waxaa waajib ku ah inuu shumiyo madaxa Cabdullahi bin Xudaafa RC, aniga ayaana idiin bilaabaayo. kadibna intuu istaagay ayuu shumiyay.
Allaha ka raali noqdo Saxaabi Cabdullahi bin Xudaafa Alsahmiyi. Wuxuu tusaale dhab ah ee qofwalibo oo Muslin ah.
Xigasho: صور من-حياة الصحابة
- Sidoo kale aqri: